Dagaal ka dhacay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha Hoose

Dagaalkaan ayaa waxaa uu dhexeeyay Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya  iyo Al-Shabaab

Alshabab ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ku ssocdalayay  wadada laamiga ah ee isku xirta Afgoye iyo Wanlaweyn gaar ahaan deegaanka Buulalow.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ciidamo tiradoodu gaareysay illaa toban askari kuwaasoo ay ka mid ahaayeen saraakiil.

Askarta iskahorimaadka lagu diley ayaa waxaa kamid ahaa Cabdulle Cali Mire Iyo Cabdi maxamed Guutaale oo kamid ahaa Ciidamada la weeraray.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Xoogga Dalka  Soomaaliya oo ku saabsan iskahorimaadkan hase yeeshee ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ciidamo badan ay ku dileen dagaalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com