Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Waxaa saaka xiisad dagaal oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed ay ka taagan tahay degaanka Xananbuure  Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Dagaal shalay gelinkii dambe soo bilaawday oo xalay soo gaaray ayaa ka dhacay degaanka Xananbuure, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dadka degaanka ayaa saaka ku waramaya inay dareemayaan xiisad u dhaxeeyaa labada maleeshiyo Beeleed oo weli degaanka isku hor-fadhiya, kuwaas oo kaga cabsi qabo inay dagaalamaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor ayaa ku sugan Xero kutaal duleedka degaanka Xananbuure kadib markii mid kamid ah dhinacyada dagaalamay ay diideen inay degaanka soo galaan si ay u kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Xananbuure ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan maleeshiyaadka dagaalamay, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda kala dhex-gashay.