Ganacsiga magaalada Wajeer oo maalintii labaad xiran

Waxaa Maalintii labaad xiran dhamaan suuqyada waaweyn ee magalada Wajeer Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Ganacsatada magaaladaas ayaa waxaa ay sheegeen in sababta loo xiray Goobaha Ganacsiga ay tahay markii ay culeys kala kulmeen booliska magaalada.

Guddiga Ganacsatada Magaalada Wajeer ayaa waxaa ay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay jireen dhacsooyin dhowr ah oo ku saabsan in Ciidamada ay dab qabad siiyeen qaarna qaateen Agab Gaancsi iyo Gaadiidkii waday oo laga keenay Magaalada Mombassa

Waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Sare ee dowladda Kenya inay arri taan waxka qabtaan, isla markaama Ganacsigooda Magaalada Wajeer uu kujiro halis dhinaca Amniga ah.

Xirnaanshaha Suuqyada waaweyn ee Magaalada Wajeer ayaa waxaa uu saameyn ballaaran ku yeeshay dadka danyarta ah, iyaga oo dalbanaya in Ganacsigooda dib loogu furo.