Xiisad ka taagan degaanka Tukaraq & Somaliland oo Ciidamo farabadan geysay

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

 

Xiisada ayaa waxaa ay ka dambeysay, kadib markii Soomaaliland ay degaanka tukaarq geysay Ciidamo farabadan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo lagu xoojiyay Ciidamadii horay u joogay degaankaas. Maalin ka hor ayaa waxaa degaanka tukaraq gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale,waxana uu ciidamada u sheegay inay u diyaar garoobaan iska difaacitaanka wax uu ugu yeeray cadawga Soomaaliland.

 

Wararka laga helayo degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Soomaaliland oo wata Gaadiidka dagaalka ay dhaq dhaqaqyo Ciidan halkaasi ka wadaan, waxana xusid mudan in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay iyana ku sugan yihiin banaanka degaanka Tukaraq.

 

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uu dagaal culus ku dhex-maray Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakaca boqolaal qoys.