Ciidanka Booliska Galmudug oo Meel Fagaare ah ku gubay Qamri laga Keenay Itoobiya

Ciidamada booliiska Galmudug ayaa fagaare ku gubay  ku yaala Degmada Caabudwaaq 97-Dhalo oo ah Qamri laga keenay Itoobiya .

 

” Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Amniga iyo Xuduudaha Baarlamanka Galmudug oo ay wehliyaan Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan ayaa Booliiska kala qayb galay burburinta qamrigan ciidamadu kusoo qabteen howlgal magaalada Caabudwaaq ka dhacay.

 

Sidoo kale saraakiisha amniga ayaaa xubnaha Gudigga iyo Gudoomiye kuxigeenka G/Amniga warbixin ka siiyay howlaha u qabsoomey iyo culeesyada heysta ee wax ka qabashada u baahan, kuwaa oo Gudoomiye xabad balan qaaday in Baarlamaanku u gudbin doono xafiisyada ay quseyso si wax looga jawaabo

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com