Xiisada u dhaxeysa Turki iyo qaar ka mid ah wadamada yurub oo saameeyay dhaqaalaha dalkaas.

Ankara:- Hoos u dhac xoogan ayaa ku yimid qiimaha lacabta dalka Turkiga kadib makii uu sii xoogeystay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex jira Turkiga iyo wadamada reer galbeedka.

Qiimaha lacagta dalkaasi Turkiga ee Liro ayaa hoos u dhaca laga dareemayaa gudaha dalkaasi waxana taas ay saameyn ku yeelatay shacabka wadankaasi.

Halkii doolar ayaa qiimo ahaan u dhiganta 9.75 liro halka sanadkii 2017-dii afar sano ka hor halki dolar lagu sarifayay suuqyada dalkaasi 3.5 liro.

Turkiga ayaa dhawaan eryay 10-safiir oo ka tirsan wadamada reer Yurub kadib markii dowladaha safiiradaas ku baaqeen in si deg deg ah turkiga ku sii daayaan muwaadin wadankaas u dhashay oo loo heysto in uu ku lug lahaa afgambigii fashilmay ee wadankaasi ka dhacay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa markii dambe dib uga laabtay go,aanka eryida kadib markii inta badan wadamadaasi raali galin bixiyeen.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com