Wiil Soomaali ah oo xalay lagu dhaawacay Oslo.

Oslo:-Wiil Soomaali ah ayaa xalay kooxo hubeysan dhaawac culus ugu gaysteen xafada Stovner ee Magaalada Oslo.

Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa la sheegay in kooxo aan la garan xalay ku dhaawacmeen xaafada Stovner ee Magaalada Oslo waxana ilaa iyo hada la ogeyn sababaha in la toogto ka dambeysay.

Booliska oo xiligi falku dhacay kadib goobta soo gaaray ayaa sheegay in wiilka Soomaaliga ah xabada kaga dhacday caloosha isla markaana inta aan isbitaalka loo qaadin la yeesheen wareysi kooban.

Sidoo kale booliska ayaa xusay in ay wadaan baaritaan la xiriirta soo qabashada kooxihi falkaasi ka dambeeyay balse aysan wali ku guuleysan.

Wiilkaan oo haatan isbitaal ku jira ayaa wararkii ugu dambeeyay ee warbaahinta gudaha waxaa ay tilmaamayaan in xaaladiisa ay tahay mid halis ah.

Sedex isbuuc ka hor ayay aheyd markii kooxo hubeysan xaafada Mortensrud ku toogteen Xamse haashi oo ahaa labaadan jir Soomaali ah.

Falalka dilalka iyo dhaawaca ee ka dhacaya Caasimadda Oslo ayaa ah mid isbuucyadii ugu dambeeysay sare u kacayay waxaana taasi cabsi iyo wal wal ku abuureysaa dadka ku dhacay Oslo.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com