Xildhibaanada Jubland oo maanta dhageysanaya khudbadaha Musharixiinta tartameysa

Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhageysan doona  khudbadaha musharixiinta u tartameeysa kuraasta ka harsan Aqalka Sare

Musharixiinta maanta Khudbadahajeedinaya  ayaa gaarayaan 8 muasharax, kuwaas oo ku tartami doona Afarta Kursi ee Jubbaland uga dhiman 8 kursi ee Jubbaland ku  matalaysa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Musharixiinta Aqalka Sare ee Maanta khudbadaha ka hor jeedin doono Baarlamaanka Jubbaland oo 5 kamid ah ay Dumar yihiin ayaa waxaay kala yihiin Magacyadooda .

1: Layla Nuux Maax
Xareedo Maxamed Sheekh

2:Tbrahim Awgaab Cismaan
Farxiya Macalim Cabdi

3: Maryan Faarax Kadiye
Samsam Maxamed Bishaar

4: Xasan Daahir Yarow
Cali Maxamed Cali

Maalinta Beri oo khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 21 Bisha Octoober ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada Afarta Kursi ee Aqalka sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

Xafiiska wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com