Al-shabaab oo gubay gaari dameero raashiin waday

Al-Shabaab ayaa gubay gaari Dameero raashin siday , kuna sii jeeday degmada Waajid ee oo ka tirsan gobolka Bakool islamarkaana horey u go’doomiyay degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr  gaari Dameer ay gubeen Al-Shabaab, ka dib markii ay u galeen wado dhinaceeda.

Gaari Dameerada la gubay ayaa waday raashin noocyo kala duwan isugu jiray waxa ayna u socdeendegmada Waajid, si ay raashinkaasi u gaarsiiyaan .

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamamaya inay ka baxsadeen goobta lagu gubay raashiinDadkii la socday gaari dameerada , iyaga oo bed qaba gaaray Degmada Xudur

Alshabaab ayaa go’doomiyay degaano ka tirsan Koofur galbeed isoamarkaana u diiday in halkaas la geeyo raashiinka quutul daruuriga ah.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsanmilitariga dawlada Federaalka , gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa gurmad u tegay halkaasi, iyaga oo dagaal la galay Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka  Soomaaliya oo soo bandhigay gaaari Dameerada la gubay ayaa sheegay in falkaas kadib ay khasaare gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib markii ay kula dagaalameen inta u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo Xudur ee Bakool.

Xafiiska wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com