Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan ka doodaya Heshiiskii doorashooyinka

Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya yeelanaya fadhi wadajir ah oo ay kaga doodayaan Heshiiskii Siyaasadeed ee dhowaan lagu go’aamiyay Hanaanka Doorashada Soomaaliya.

Heshiiska waxa 17-kii bishan wada-gaaray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, kadib Shirkii ay ku yeesheen Muqdisho.

Xildhibaanada  labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa farriin qoraaleed xalay loo diray lagu ogaysiiyay in ay ka soo qayb-galaan fadhi wadajir ah oo looga doodayo Heshiiskii Siyaasadeed ee Arrimaha Doorashada.

Fadhiga wadajirka ah ee labada Aqal, ayaa la filayaa in Xildhibaannadu dood kadib cod u qaadaan Heshiiska, si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com