Murun ka Taagan Cidda uu Ra’iisul wasaaraha Cusub Xilka uu kala wareegayo

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la Filayaa in uu maalinta berri ah xilka ula wareegi .

Si kastaba ha ahaatee, Murun ayaa ka Taagan shaqsiga uu xilka kala wareegi doono Ra’iiusul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble

Warar ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu Codsaday in uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul wasaaraha cusub , iyadoo Siihaayihii hore Xilka Wasiirka Koowad ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore  Mahdi Guuleed  khaddar uu isagu sheegaayo in uu ahaa Ra’iisul wasaare ku meelgaarka ah.

Siihaayihii Hore Mahdi Guuleed ayaa dhawaan magacaabay Guddi Wasiiro ah oo diyaariya munaasabada xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu warqad uu u  qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo , Guddoonka Labada Gole iyo Maxkamadda sare kuna wargeliyay in uu xilka ku wareejiyo sifo sharci ah, ayna tahay xogo iyo dukumentiyo qaranka ku saabsan inuu ku wareejiyo Raiisal Wasaaraha sida sharciga ah Golaha Shacabka u Ansaxiyay.

Hase, ahaa Murun ayaa ka Taagan cidda Ra,iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Xillka uu kala wareegayo,

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com