Xisbiga SV oo taageero weydiistay Soomaalida ku nool Norwey.

Oslo:-Xisbiga SV oo ka mid ah xisbiyada sanadkaan ugu cad cad doorashada baarlamaan ayaa soo bandhigay waxqabadka afarta sano ee soo socota hadii ay ku guuleystaan doorashada socota.

Cabdi Said Jamac oo ka tirsan xisbiga SV marna isku soo sharaxay golaha deegaanka Magaalada Oslo oo la hadlay Tv-ga aragticusub ayaa sheegay in hadii doorashada ku guuleystaan ka dhabeyn doonaan balanqaadyadooda ay ka mid tahay in u adeegida dadka saboolka ah iyo sidii caawin dhab ah u heli lahaayeen ajaanibta wadanka ku nool gaar ahaan Soomaalida.

Abdi sa.id ayaa ugu baaqay Soomaalida in codkooda siiyaan xisbiga SV si awood ugu yeeshaan xukuumada afarta sano ee soo socota.

Xisbiga SV sanadkaan waxaa u sharaxay gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Maryan Cabdi xuseen oo ay u badan tahay in ay sanadkaan ka mid noqoto xildhibaanada baarlamaanka Norwey.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com