Beesha caalamka oo shuruud ku xiray bixinta lacagaha Doorashada Soomaalida

Muqdisho:-Beesha caalamka oo shalay kulan la qaatay Xukuumada federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa shuruud ku xiray bixinta lacagaha ku baxaya doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

wakiilada beesha caalamka ayaa xusay in marka hore loo baahan yahay in guud ahaan siyaasiyiinta soomaalida ah noqdaan kuwo ku mideysan dorashada qaabka loo qabanayo.

Sidoo kale waxaa ay shuruud ka dhigeen in la dhameystiro aqalka hoose ee baarlamaanka kadib loo gudbo aqalka hoose.

Ra,isul wasaare iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka mideysnaa in beesha caalamka ka helaan dhaqaalaha ku bixi doona doorashada aqalka hoose ee Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa hore bixisay kaliya 7.2 milyan oo dollar oo ka mid ah 32-ka milyan ee ku baxaya dhaqaalaha doorashada, ayada oo ka cago jiideysa lacagta kale ee harsan oo gaareysa 25 milyan oo dollar.

shuruuda beesha caalamka ayaa imaanaysa xili midowga musharaxiinta ka horyimaadeen warsaxaafadeedkii ka soo baxay kulanki muqdisho ugu soo gaba gaboobay xukuumada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada oo ay kaga hadlayeen habraaca doorshada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com