Joe Biden oo sheegay in ay ka aargudan doonaan ururka ISIS oo ka dambeeyay weerarkii Kabul.

Washington:-Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay garoonka Kabul kaas oo lagu dilay dad farabadan.

Biden oo qudbad ka jeedinayay talafashinada dalka Mareykanka ayaa wacad ku marry in ay ka aargudan doonaan Ururka argagixisada ah ee ISIS oo la tilmaamay in ay ka dambeeyeen weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in ay ugaarsan doonaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Waxaa uu ugu baaqay Taliyayaasha ciidamada Milatariga uu amar ku siiyay in ay bur buriyaan xarumaha kooxadaan ku leeyihiin Gobolka.

Weerarkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul waxaa ku nafwaayay 103 ruux oo 90-ka mid ah ahaayeen dad reer Afganistan ah halka 13-ciidamada mareykanka ah.

Kooxda ISIS ayaa sheegatay in ay ka dambeeyay weerarka dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kabul.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com