Xisbiga Wadajir oo diiday Gudi ay magacaabeen Golaha wasiirada Soomaaliya

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa  waxa uu War-saxaafadeed ka soo saaray Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka ee ay Xukuumadda Federalka ee Kalsoonida lagala laabtay ay dhawaan soo magacaabeen.

Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur Warsame oo Mucaarad ku ah DFS waxa uu Bartiisa Facebook soo dhigay War Saxaafadeed uu ku naqdinayo Magacaabistaasi iyo Awoodda Xukuumadda Federalka.

“Xukuumad dhacsan Xil ma magacaabi karto” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyey inay Xukuumad haysata Sharciyadda Barlamaanka awoodi karto inay so omagacowdo 3 Xubnood oo ka mid ah 8-da Xubnood ee Golaha Adeegga Garsoorka yihiin Sharci-darro.

Warsaxaafadeedka ayaa u Qornaa sidaan:

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com