Xog: Ma Run baa in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay soo celinayso Xiriirkii kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta

Warar ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay damacsan tahay inay dib u billowdo  soo celinta xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta kala dhexeeyay Dawlada Soomaaliya .

Dib u soo celinta xiriirkii Imaaraadka Carabta kala dhexeeyay dawlada Soomaaliya ayaa waxaa loo dhiibay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo u qaabilsan Arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan Maxamed Cismaan Balal.

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Cismaan Balal uu ku wajahan yahay dalka Imaaraadka Carabta, si uu u bilaabo wada hadalada, isagoo farriin ka sida Madaxweyne Farmaajo.

Lama shaacin farriinta Madaxweyne Farmaajo u dirayo Imaaraadka, waxaase jiray xiriirka labada dal inuu aad u xumaaday tan iyo markii dowladda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya la wareegtay lacag dhan 9.6 milyan Dollar muddo laga joogo 30 bilood, Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiiskii dekeddaha Berbera iyo Boosaaso.

Ra,iisal Wasaaraha Itoobiya oo ay xulufo dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkanba ka shaqaynayay sidii loo soo celin lahaa xiriirka Dawlada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carubta.

Dhinaca Dawladda Imaaraadka waxaa la aamin sanyahay in shuruudaha Imaaraadku dalbaday in la fuliyo si loo soo celiyo xiriirka labada dal ay ka mid yihiin in dowladda Soomaaliya bixiso cudur daar rasmi ah, ayna soo celiso lacagaha hore loo qaatay Imaaradka , Islamarkaana ay aqbasho heshiiska dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com