Gudoomiyaha Aqalka Sare oo kulan l yeeshay Ra,iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ku booqday hoyga uu ka degen yahay Muqdisho Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sida laga soo xigtay Ilo wareedyo ku dhow Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

kulankan ayaa wuxuu  ahaa mid is wareysi xaaladaha siyaasada dalka Soomaaliya loogaga hadlay.

“Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhowaan ku dhowaaqay inuu yahay musharax xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo uu ku doonayo inuu ku helo taageere siyaasadeed waxana uu dhowaan la kulmay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Khayre ayaa u muuqda Mid Taageero Siyaasadeed ka raadinaya Siyaasiyiinta iyo Madaxda kale ee hore ay isugu khilaafen Siyaasada

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com