Dhageyso: Maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in ay ka hortageen Fatahaada Wabiga shabeele

Gudoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo waraysi siiyay Warbaahinta AragtiCusub ayaa Faah Faah faahiyay sida ay uga hortageen Fatahaada Wabiga Shabeele uu geystay Magaalada Baladweyne ee Caasimada gobolka Hiiraan

Sheekh Xuseen ayaa shegaya iyaga oo ku duulaya digniintii ka soo baxday Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee la xiriirtay cabsida laga qabay Fatahaada Wabiga shabeele uu geysanaayo gobolagda Hiiran iyo shabeelaha Dhexe in maamulkooda ay sameeyeen ka hortag weyn

Ugu dambeyntii Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan sheekh Xuseen Cusman Cali ayaa sheegay in xaalada ay wanaagsan tahay marka loo eego sidii hore xaafado kooban kaliya ay ku jiraan biyaha ka soo fatahay wabiga