XOG: Natiijada ka soo baxday kulankii Qoor Qoor, Lafta-gareen Guudlaawe,A/Madoobe & DENI

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa wada-hadallo ay habeen hore Khadka taleefonka ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madax goboleedyada ay isu soo dhowaansho ka sameeyeen aragtiyadii kala foggaa ee ay ka qabeen doorashada Soomaaliya, iskuna afgarteen inay shir fool ka fool ah isugu yimaadaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la filayo inuu shirkaas dhaco dhammaadka bishan Janaayo, waxaana ay u badan tahay in shirka uu ka dhaco magaalada Baydhaba, inkastoo aan weli si rasmi ah la isugu raacin goobta.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa intii laba toddobaad ka hor ku sugnaa Muqdisho, wuxuu mucaaradka kasoo qaaday ballan ah inuu xal u helayo muranka doorashada, waxaana lagu warramayaa inuu sababtaas darteed u doonayo iinuu wada-hadallada marti-geliyo.

Wada-hadallada madax goboleedyada ayaa waxaa dhinac socda dadaal xoog leh iyo u kala dab qaadis ay wadaan xubnaha Beesha Caalamka, kaasoo uu horsed u yahay wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan, si xal loogu helo caqabadaha ka taagan doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com