Xukun lagu riday Askar Muqdisho ku dishay Wiil & Gabar Walaalo ah

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukun ku riday laba Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda, kuwaas oo labadii Bishii December ee sanadkii dhamaaday ee 2021 agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ku dilau Wiil & Gabar Walaalo ahaa.

Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) iyo Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada kusoo oogtay in loo heysto dilka Alle ha u Naxariistee Sakariye Maxamuud Xuseen (Kalafoge) iyo Sowdo Maxamuud (Kalafoge) oo rasaas isku martay u geeriyooday xilli ay saarnaayeen Mooto Bajaaj agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Goobta Maxkamadda oo ay ku sugnaayeen Ehelada Sakariya & Sowdo iyo labada Askari ayaa lagu soo bandhigay baaritaan la xiriira sida falka uu u dhacay, waxaana la sheegay in rasaasta ay ku geeriyoodeen Sakariya & Sowdo uu riday Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) halka Dable Dayax uu riday laba xabadood balae aysan cid waxba ku noqon.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) lagu xukumay dil toogasho ah halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa degaannada ay ku sugan yihiin, waxaa ay sibareer ah ugu dilaan dadka Shacabka, waxaana aad u yar Askarta loo ciqaabayo dhibaatada ay u geystaan dadka Shacabka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com