Xukuumadda Federaalka oo shaacisay in ay lumisay Kalsoonida Ciidanka Kenya ee Soomaaliya

Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya ayaa sheegtay in ay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in ciidamada Kenya ay awood u leeyihiin inay taageeraan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo oo looga soo horjeestay warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ee IGAD ay usoo direen xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay in a Kenya ay Hawlgalada ay ka Soomaaliya uga faa’iideysaneyso inay sare ugu sii qaaddo danaheeda qaran ee gaarka ah ee ay ka leedahay Somaaliya.

 

“Haddii aan si fudud u dhigno, ciidamada Kenya ma taageeri karaan xasilloonida Soomaaliya ayaga oo dhanka kalena hurinaya xasillooni darrada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in Ciidanka Kenya laga saaro Soomaaliya kuwaas oo dawlada ay ku Eedeysay in aysan dhex dhexaad ka ahayn Arimaha Soomaaliya

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com