Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiran iyo banaan bax lafilayo in uu maant muqdisho ka dhaco

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa xiray Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya

Jidadka ayaa lagu arkayaa Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal kuwaas oo wadooyinka xiray Gaadiidkana u diiday in wadooyinka ay maraan

Sababta Wadooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay in uu jiro banana bax uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir laguna tageerayo 13 kursi uu gobolka banaadir ku yeelanayo Aqalka sare

Ciidamo Boolis oo wat Gaadiidka dagaalka ayaa xiray Wadooyinkaasi waxaana wadooyinka xiran ka mid ah Isgooysyada Maanaboolyo Afarta Jardiino Siinaay Jubba iyo Taala Dalka Jirka Daahson Halkaas oo lafailayo in dibad baxa uu ka dhaco.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com