Mahadcelin iyo Warbixin Ku Saabsan Safarkaygii Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa shacabka iyo maamulka degmada Badhan ee gobolka Sanaag, si diirran oo sharaf leh oo ay noo soo dhaweeyeen intii aan ku sugnaa degmadaas muddo afar cisho ah.

Safarkaygu wuxuu daaranaa u kuurgelidda xaaladda gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Badhan. Waxaan qeyb ka ahaa guddiga Golaha Wakiillada Puntland ee kormeerka ku marayay gobolka.

Intii aan ku sugneyn degmada Badhan, waxaan la kulannay qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, haweenka, iyo dhalinyarada. Waxaan iska xog-waraysanay xaaladda guud ee gobolka iyo Puntland, waxaana uga jawaabnay su’aalo ay naga weydiiyeen baahiyaha deegaanka iyo arrimaha horumarka. Baahiyahaasi waxaan si rasmi ah ugu gudbin doonaa Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda Puntland.

Sidoo kale, waxaan kormeernay xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Xarunta gobolka iyo degmada

Jaamacadda Maakhir

Suuqa weyn ee degmada

Taliska Ciidanka Asluubta

Xarumaha wasaaradaha gobolka

Dhismaha Taliska Qaybta Gobolka Sanaag

Xarunta Garsoorka gobolka

Safarkaasi wuxuu noo suurtageliyay inaan si dhab ah ugu kuurgalno xaaladaha jira, si loo helo qorshe wax-ku-ool ah oo wax looga qaban karo baahiyaha degmada Badhan iyo guud ahaan gobolka Sanaag.

Xildhibaan
Golaha Wakiillada Puntland Mohamed Mursal Mohmed