Ahmed Madoobe oo dar daaran adag u jeediyay Saraashiisha ciidamada Dowlada

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Ahmed Mohamed Islam(Madoobe) oo manta ka hadlayay magaalada Kismaayo ayaa si adag ula hadlay Saraashiisha ciidamada dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Ahmed Madoobe ayaa sheegay in aan loo dulqaadan Karin dhiig malin walba daata isla markaana waxqabadkeedu noqdo Tacsi oo kali ah.

Isaga oo sheegay in loo baahan yahay in arintaas si looga gudbo lala yimaado talaabo adag oo wax looga qabto dhibatooyinka wadanka ka dhacaya.

Waxaan ka soo horjeedaa tacsida, waxaan ka soo horjeedaa calaamadaha, waxaan ka soo horjeedaa hoos foorarsiga oo rag baa jiro ee maa la iska celiyo oo guryahooda logu tago ayuu yiri ahmed madoobe.

Ahmed madoobe ayaa xusay in sida kaliya ee Alshabaab looga guuleysan karo ay tahay in lala qaado talaaba walba oo ay sameeyaan si wadanka looga cirib tiro.

Hadalka Ahmed madoobe ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan dilalka iyo qaraxyada Alshabaab ka geysanayaan dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho.