Ra,isul Wasaare Kheyre oo lama filaan ku noqotay xildhibaanada Cusub ee Galmudug.

Wararka caawa naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Ra,isul wasaare kheyre lama filaan ku noqotay qaabka loo soo xulay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada cusub ayaa la xaqiijiyay in inta badan yihiin xildhibaano taageersan xisbiyada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda hanaanka ay dowlada hada jirta u shaqeyso.

Ra,isul wasaaraha ayaa laga soo xigtay in aad uga xumaaday xubnaha ka mid noqday baarlamaanka Galmudug isla markaana xaqiijistay in sida ay ka rabeen maamul u dhisida galmudug aysan noqon.

Isaga oo taas badalkeeda cabsi xoogan ka qaba in doorashada galmudug ku soo baxaan lama midkood waa Abdirahmaan odawaa ama Kamaal Gutaale.

Hadii ay labadaas mid ku guuleystaan Madaxweynaha Galmudug waxaa ay dhabar jab xoogan ku noqon doontaa madaxda ugu sareysa dowlada gaar ahaan Ra,isul wasaare kheyre oo waqti badan ku bixiyay in galmudug hogaankeeda u dhiibaan shaqsi isaga taabacsan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.