Al Shabaab oo gubay xaruun shirkadda Safaricom ay ku leedahay degmada Mandheera

Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay  burburiyeen  xarun Isgaarsiineed oo Shirkadda Safaricom ay ku lahayd degmada  Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa sheegtay in xaruntashirkadda  Isgaarsiinta Safaricom ay burburiyeen kooxo y hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo weerar ku soo qaaday.

Xubno ka tirsan Maamulkadegmada  Mandheera ayaa laga soo xigtay in Shaqaalihii iyo waardiyihii xarunta aysan wax khasaare ah ka soo gaarin weerarka Al-shabaab ku qaadday xarunta Safaricom.

Shaqaalaha iyo waardiyaasha ayaa la sheegay in ay ka sii carareen xarunta ka hor inta aysan qabsan Al-shabaab ee burburisay Isgaarsiinta.

.Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com