Maraykanka oo markab dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya

Maraykanka ayaa Soomaaliya u soo diraysa Markab nooca dagaalka ah, kaas oo ka qayb-qaadanaya Hawlgalka daad-guraynta ah ee Ciidamada Maraykanka looga saarayo gudaha Soomaaliya.

Markabkaas oo kuwa diyaaradaha Xambaara ah, waxaa lagu magacaaba USS Hershel ‘Woods’ Williams, waxaana uu todobaadyada soo socda  Xeebaha Soomaaliya ka bilaabi doonaa daadguraynta Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Maraykanka ayaa  Soomaaliya Waxaa ka ka jooga in ka badan 700 oo askari, kuwaas oo fuliya La-dagaallanka waxa loogu yeero  Argagixisada iyo tababar-siinta Ciidamada Dawlada Federaalka  Soomaaliya, balse Madaxweyne Trump amar ku bixiyay in laga soo saaro Soomaaliya dhammaan ciidanka maraykanka eek u sugan.

.Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com