Boqollaal ka mid ah Ardaydii Naigeria oo la afduubtay ‘oo la sii daayay’

Boqollaal  Arday ah oo toddobaadkii la soo dhaafay laga afduubtay iskuul xannaano oo ku yaalla waqooyi-galbeed Nigeria ayaa la sii daayay, sida ay sheegeen maamulka gobolka Katsina.

 

Afhayeen u hadlay barasaabka gobolka ayaa sheegay in 344 qof la sii daayay dhammaantoodna ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.

 

wararka kale ayaa sheegaya in ardayda qaarkood ay ku jiraan gacanta afduubayaasha.

 

Weerarka waxaa sheegtay kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram, kuwaasoo saacado kahor sii daayay muuqaal muujinaya qaar ka mid ah wiilasha.

 

Warsaxaafadeedkiisa, ayuu Abdul Labaran, ku sheegay in wiilasha loo qaaday magaalada caasimadda u ah Katsina, isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan ula midoobi doonaan qoysaskooda.

 

Wuxuu sheegay in muuqaalka ay sii daayeen Boko Haram uu yahay mid jira, balse farriinta ku dhex jirta ee la sheegay inay ka timid hoggaamiyaha kooxda, Abubakar Shekau ay ahayd mid la farsameeyay.

 

Maamulkaayaa hore u shaaciyay tiro ka yar tan ay dadka deegaanka sheegeen oo ah wiilasha la afduubtay, mana cadda inay dhammaantood bad qabaan iyo in kale.

Barasaabka gobolka Aminu Bello Masari oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yiri, “waan soo badbadinnay inta badan wiilashada.

 

Ma aha dhammaantood,” iyadoo ilo ammaanka ah ay wakaaladda wararka ee AFP u sheegeen in qaar ka mid ah ay weli gacanta ugu jiraan afduubayaasha.

 

Mr Labaran ayaa sheegay in cidna aan laga dilin wiilasha la afduubtay, taas oo ka hor imaaneysa wiilka muuqaalka laga dhex arkayo oo sheegay in qaar ka mid ah wiilasha ay dileen diyaaradaha dagaalka Nigeria.

 

Ma cadda sida ay ku timid sii deynta wiilasha balse waxaa warka BBC Hausa u xaqiijiyay sarkaal kale oo dowladda ka tirsan.

 

.Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com