Sheekh shariif oo uga digay Dawlada Federaalka Soomaaliya in ay dagaal wax ku raadiso

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo arimaha doorashooyinka

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay dhibaatooyinkii ka dhashay qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhacay magaalada Muqdisho , isagoo xusay in xaalad aan fiicneyn ay gashay magaalada oo laga baaqsan karay.

Waxaa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay in wixii tabasho ah ay xaliso, isla markaana aanayHab Colaad aysan wax ku radin ayuu yiri sheikh shariif sheikh Axmed.

“Xaalada dalka meel aan wanaagsaneyn ayay mareysaa, Waxaa ka digeynaa in dalkaan dib loo celiyo waa arrin sharciga iyo dowladnimada ka soo horjeeda in hab aan fiicneyn la adeegsado sida ciidan iyo dagaal”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa uu ugu baaqay Ciidamada in aysan ku lug yeelan arrimaha siyaasadeed, isla markaana ay noqdaan ciidanka kuwo u siman siyaasiyiinta, sidaasna ay ciidan Qaran ku noqon karaan sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda waxaa laga rabaa inay albaabadeeda furto, madaxeeda furto, ninkii yimid waa baxaa, nin kasta oo yimaada waa baxaa, tusaale uma baahnidiin waa buuxaan, kursiga haddii la joogayo nabad iyo sharaf halagu wada joogo, haddii laga tagayo nabad iyo sharaf looga tago, dadka ayagoo mucaarad iyo muxaafad sharciga inay ku wada joogaan la rabaa, haddii si kale is qadarin waayaan sharciga waa inuu u dhaxeeyaa ayuu hadalkiisa sii raaciyay sheikh shariif sheikh.

.Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com