Alshabaab iyo Ciidamada Puntland oo ku dagaalamay duleedka gobolka Bari

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday  ciidamo ka tirsan kuwa  difaaca Puntland oo hawlgal miina baaris ah ka waday jidka u dhexeeya Sugurre iyo Ballikhadar ee Buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo dagaal xooggan oo ku dhexmaray labada dhinac.

Weerarka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkaasi waxaana warar ku ay sheegaayaan in weerarkaasi uu ku dhintay Hal Askari oo ka Trsan ciidanka Difaaca a Puntland

Sareaakiil ka Tirsan Ciidamada Difaaca Puntland  ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen Alshabaab islamarkaana ay ka dileen dhowr xubno ay ka dileen shabaabkii weerar ku soo qaaday .

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaaafay Hawlgalo ka waday degaano ka Tirsan gobolka Bari Halkaas oo ay kula dagaalameen Xubno ka Tirsan Alshabaab iyio daacish

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com