Alshabaab oo war ka soo saaray weerarada Faransiiska ka dhacay

Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku bogaadisay weerarro dhawaantaan ka dhacayay gudaha dalka Faransiiska, kuwaas oo ay lala beegsaday Dad rayid ah.
Sida ku cad bayaanka, mowqifka hoggaanka sare ee Al-shabaab waa mid taageersan weerarada kala duwan ee ka dhacay dalka Faransiiska, islamarkaana lagu beegsaday rayidka iyo goobaha kaniisadaha.

Al-shabaab waxay sheegtay, in beegsigaas uu jawaab u yahay kuwa aflagaaddada iyo cayda ku sameeyay suubbane Nebi Muxamed (NNKH), oo haddana ku tilmaamay xorriyad-hadal.

“Hadii xuriyada hadalkiinu aysan wax xuduuda ah oo celiya lahayn, idinkuna u dulqaata xoriyada ficiladeena” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com