Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheekh Axmed iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo gaaray Magaalada Jowhar

Wararka ka Imaanaya Magaalada Jowhar ee Xaruunta Maamul goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed.

Xubnaha Wafdiga Sheekh Shariif sheekh Axmed oo ay ku jiraan Xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada jowharwaxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sheekh Shariif & Xubnaha la socda ayaa waxaa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle , Waxaana ay kala hadli doona arrimo badan ee ku saabsan xaalada siyaasadeed ee Hir shabeele .

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa loo Adkeeyay si ka duwan sidii hore , waxaana laga dareemayaa Magaalada Jowhar Socdaal Shariif sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com