Amaanka Xaruunta Baarlamaanka Puntland oo la Adkeeyay

Xaruunta Aqalka Baarlamaanka Puntland ayaa la geeyey ciidamo cusub oo booliis ah kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland ay codsadeen in la bedalo illaalada xaruntaasi.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa Buuq iyo sawaxan waxaa uu ka dhashay Kalankii xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ku lahaayeen  Aqalka  Baarlamaanka taasoo keentay in la hakiyo kulamadii ka socday xaruunta Baarlamaanka , kadib markii khliaaf uu soo kala dhex galay qaar kamid ahGolaha wakiilada puntland  iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada cabashada u gudbiyey Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu ciidamadiisa iyo kuwa xarunta Baarlamaanka u adeegsaday si gaar ah, waxayna walaac ka muujiyeen amaanka xarunta.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com