Amarkii dilka ahaa ee Madaxweyne Trump oo la fuliyay

Maxbuuskii dilka ku xukunnaa ee Brandon Bernard ayaa lagu fuliyay xukunka, gudaha xabsi ku yaalla Indiana ee Dalka Maraykanka kaddib markii codsiyo ay daqiiqadihii ugu dambeeyay soo gudbiyeen kooxaha u doodayay ay laashay Maxkamadda ugu Sarreysa Mareykanka.
Bernard, oo 40 jir ahaa, ayaa lagu eedeeyay dil sanadkii 1999 markaas oo uu aad u da` yaraa, waana dembiliihii ugu da`da yaraa xilligaas ee ay dil ku fuliso dowladda federaalka ku dhowaad muddo 70 sano laga joogo.
Bernard ayaa u sheegay qoyska lammaanihii uu dilay inuu ka xun yahay, kahor inta uusan u geeriyoon cirbadda dadka lagu dilo ee lagu muday shalay.
Afar maxbuus oo kale ayaa la qorsheeyay in lagu fuliyo xukunka dilka kahor dhammaadka madaxtinnimada Donald Trump.
Bernard waxaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday Khamiistii, abbaarihii 21:27 xilliga dalkaas (02:27 GMT Jimco) gudaha xabsi ku yaalla magaalada Terre Haute.
Kahor inta aan la dilin wuxuu hadalladiisa ugu dambeeya u jeediyay qoyska dhibbanayaasha, isaga oo si deggan u hadlayay in ka badan saddex daqiiqo.
“Waan ka xumahay. Kuwaasi waa erayada keliya ee aan dhihi karo ee guud ahaan cabbiri kara sida aan hadda dareemayo iyo sida aan maalintaas dareemay,” ayuu yiri, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Dilka ayaa dib loo dhigay wax ka badan labo saacadood kaddib markii qareennada Bernard ay Maxkamadda ugu Sarreysa ka codsadeen inay joojiyaan – balse codsigooda waa laga diiday.
Bernard waxaa lagu xukumay dil sababo la xiriira inuu ku lug lahaa dilka Todd iyo Stacie Bagley bishii June 1999.
Wuxuu ka mid ahaa shan dhalinyaro oo lagu eedeeyay inay dhac u geysteen lammaanaha ayna ku qasbeen inay galaan qeybta dambe ee gaarigooda xilli ay ku sugnaayeen Texas.
Christopher Vialva oo 19 jir ahaa ayaa ku dhex toogtay gaarigooda, kahor inta uusan gaariga gubin Bernard.
Qareennadii difaacayay ayaa sheegay in laga yaabo in lammaanahan ay dhinteen kahor inta aan gaariga la gubin.
Baare madax bannaan oo ay kooxdu shaqaaleysiisay ayaa sheegay in Stacie ay geeriyootay kahor inta aan gaariga la gubin.
caddeymo la keenay maxkamadda ayaa lagu sheegay in inkastoo Todd Bagley uu durba geeriyooday, haddana in neef-mareenka Stacie lagu arkay qiiq, taas oo muujineysa inay u geeriyootay qiiqa ay nuugtay ee aysan u geeriyoon dhaawaca rasaasta.
Qareennada Bernard ayaa sheegay inuu ka baqayay waxa ku dhici lahaa haddii uu diidi lahaa amarka Vialva, oo xukun dil lagu fuliyay bishii September.
Dadkii kale ee ku lugta lahaa dhacdadaas ayaa lagu xukumay xabsi daa`in maaddaama ay da`doodu ka yareyd 18.
Qareennada Bernard ayaa ku dooday inay ahayd in lagu xukumo xabsi daa`in aan cafis lahayn, iyadoo intii uu xirnaa uu ka yaallay rikoor fiican isla markaana uu la shaqeynayay barnaamijyada dadka looga wacyi gelinayo inaysan ku lug yeelan dembiyada.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com