Askari ka Tirsan Ciidanka Taraafikada oo lagu dilay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Xaafada Warshada caanaha ee Degmada Hodan ayaa sheegaya in  Rag  hubeysan ay dil u geysteen Askari ka tirsan Ciidanka taraafikada.

Marxuumka geeriyooday ayaa ku sugnaa xilliga la dilayay , wadada warashadda Caanaha.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado ay goobta isaga baxsadeen kadib dhacdadaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo goobta ka qaaday meydka askariga.

Sidoo kale ciidamada ayaa muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa wadada uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyey baaritaano kooban, walow aysan gacanta kusoo dhigin kooxohii ka dambeeyey toogashada lagu dilay askarigaasi ka tirsanaa Taraafikada.

Waa dilkii labaad oo isla 24 saac gudahood ka dhacay degmada Hodan, waxaana shalay lagu toogtay haweeney la sheegay inay ka tirsaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah intaba iyadoo hay’adaha Amniga dawlada Federaalka soomaaliya ay wadaan hawlgalo Amaanka lagu  Xajiiniyo.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com