Wasiirka Amniga Galmudug oo ka hadlay Taliyihii Dhuusamareeb ee iscasilay

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay Taliyihii Ciidanka Booliska Dhuusamareeb oo xalay iscasilay ka dib markii uu sheegay in xubno ka mid ah Al-Shabaab laga siidaayay xabsiga.

Qoraal uu saaray Wasiir Fiqi ayaa lagu sheegay in Galmudug uu ka dhamaaday xilli kooxeysiga.

Qoraalka Fiqi ayaa siddan u qorna:

Habeenka xilliga uu mugdigiisu ugu badan yahay waa waqtiga ka horeeya waaberiga! Galmudug maalmahaan waxay ku jirtaa daqiiqadaha ka horeeya inta uusan waagu beryin.

Waxaa gabaabsi sii ah oo gebagebo ku dhow baaqigii ka haray waqtigii fowdada iyo kooxaysiga!.

Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida..

Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo.

Dhamme Burhaan Axmed ayaa is casilaadiisa ku sabeebeyey Shaqsiyaad ku eedeysan dambiyo kala duwan Xabsiga Dhuusamareeb ay kasii daayeen saraakiisha Sare ee Booliiska Galmudug.

Waxaa uu sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay xireen dhowr qof oo ahaa Shabakado isku xariira, islamarkaana dadkaasi xabsiga laga siidaayay xilli ay ku socotay baaris.

Madax Sare ayuu ku eedeeyay in uu ka gudan waayay Waajibkii loo igmaday.