Ciidanka Puntland oo toogtay labo ruux oo hubeysan

Ciidamada Amniga ee Puntland iyo kooxo hubeysan  ayaa ku dagaalamay xaafad kamid ah gudaha magaalada Boosaaso, waxaana iska horimaadkan kugeeriyooday 2 qof oo mid kamid ah uu yahay ruux katirsan kooxdii weerarka soo qaaday.

Ciidamadu waxay nolosha kuqabteen ruux kale oo ka tirsanaa kooxahan, hubkoodii iyo baabuurkii ay wateen, askarta dawladdana dhaawac ayaa Askari soo gaaray.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari G/Sare Xussen ayaa sheegay in kooxdaan ay doonaayeen in ay weeraraan xarumo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Boosaaso.

G/Sare Xuseen Waxaa uu yiri ” Waxaan nolal iyo geeri ku haynaa koox ka tirsan ururka argagixisada Daacish kuwaaso rabay inay qaraxyo iyo dilal ka fuliyaan Boosaaso”

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamada PSF PMPF iyo ciidamada booliska Gobalka Bari oo howl galkan si wada jira u sameyay.