Baarlamaanka Puntland oo fasax galay ka hor doorashada Aqalka Sare

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan oo uu wehliyo  Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Fadhiga maanta waxaa goobjoog ka ahaa 41 Xildhibaan, Furitaanka ka dib Guddoomiyaha ayaa la wadaagay mudanayaasha in waqtiga Kalfadhiga oo ahaa 45 cishe ay ka hartay maalmo kooban loona baahan yahay maalmo dheeraad ah oo ku eg Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Golaha Wakiillada Maamulka Pumtland ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday illaa 3-da bisha August, 2021 in fasax kooban Goluhu galo.