Markab ay leedahay India oo Xeebaha Soomaaliya ka bilaabay Dhoolatus.

Markabka Talwar ee ay leedahay Dowladda Hindiya ayaa ku biiray dhoolatus sanadle ah oo ka bilawday Magaalo Mombasa kaas oo soconaya inta u dhaxeysa 26-ka July 2021 ilaa 6-da August 2021 sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Ciidanka Badda India.

Dhoolatuskaan waxaa lagu soo bandhigayaa awoodda ciidamadaan ay u leeyihiin ilaalinta biyaha Caalamiga iyo xeebaha Soomaaliya si ay uga hor tagaan la dagaalanka Burcad Badeeda sida hadalka loo dhigay.

India waxaa ku wehliya dhoolatuskaan 12 dal sida Mareykanka, India, Ururo Caalami ah iyo Dowladda Kenya oo martigelinta xooggeeda leh maadaama Magaalada Mombasa loo doortay goobta laga bilaabayo howlgalka.

Dhoolatuskaan waxa diiradda lagu saarayaa kahortagga khatarta qafaalka Kooxaha Burcadda, badbaadinta marka ay qabsadaan Markab ama Doon iyada oo si feejigan loo ilaalinayo dadka la socda ama hantida saaran.

Afhayeenka u hadlay Ciidamada Badda India waxa uu tilmaamay in nabadgalyada Badaha ay qayb ka qaadaneyso isu gudubka ganacsiga si xor ah oo ka fog welwelka laga muujiyo kooxaha qafaasha kadibna dul dhiga lacagaha Madax furashada ah.

Ciidanka Badda Kenya ayaa fursad u helaya in ay ka faaiideystaan dhoolatuska ay sameynayaan Maraakiibta hubka casriga ah ku xiran isla markaana ay la socdaan askar loo dhameeyay hubka iyo qalabka ay ku howlgalayaan.