Suudaan oo magaca Farmaajo ku qaladay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh!

Xafiiska Ra’isalwasaaraha Suudaan oo soo bandhigayay warbixin ku saabsan wadahadal dhinaca Taleefoonka ah ee uu la yeeshay Ra’isal wasaaraha Sudan Cabdullaahi Xamduuk iyo madaxda dowladaha IGAD ayaa magaca Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku qalday magaca madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Barta Facebook ee Xafiiska RW Xamduuk ayaa la soo geliyey Sawirada Ra’isalwasaaraha Suudaan, madaxda Dalalka Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Jabuuti iyada oo xafiisku sidoo kale soo geliyey Sawirka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xagga hoose ay ugaga qoran tahay magaca Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hase yeeshee 20 daqiiqo kadib ayuu Maamulka Barta Facebook ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Sudan Cabdullaahi Xamduuk waxa uu guud ahaanba ka saaray Boggaas Sawirrada Ra’isul Wasaare Xamduuk iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.