Baarlamanka Puntland oo loo gudbiyay sharci muhiim ah

Kalfadhiga 47-aad Fadhigiisa 24-aad, ee Baarlamaanka Puntland  oo maanta ka Furmay Magaalada garoowe ayaa waxa xildhibaannada loogu qaybiyay Hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland, oo uu Golaha u gudbiyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Hindise-sharciyeedkan, oo muhiim u ah Hannaanka diiwaan-gelinta codbixiyaasha Puntland, waxa soo diyaariyay Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee loo soo gaabiyo TPEC.

Baarlamanka Puntland ayaa muddo Fasax kun jiray iyadoo  maanta markii uu furmay kalfadhigasi xildhibnada puntland loogu qaybiyay Hindise sharciyeedka Diiwan gelinta Codbixayasha oo madaxweynaha Puntland uu horgeeyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com