WHO oo ka digtay Viruska Cusub ee Covid19

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku baaqay in aan lagu celin khaladaadkii hore ee  tallaalka anti-Covid-19 ee Caalamka qeybo ka mid ah laga isticmaalay.

Tedros Adhanom ayaa yiri: “Haddii aan la wanaajin hergalinta Tallaalka, ma caawin doonto in la joojiyo aafada Corona Virus,  Annaga ayay nagu xirantahay in aan go’aan gaarno khaladaadka Tallaalka, intii lagu guda jiray shirkii jaraa’id ee uu  toddobaadkan qabtay Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka.

Tirakoob ay sameeysay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya  in ka badan 101.74 milyan oo qof uu ku dhacay cudurkan Corona virus, adduunka oo dhan, halka tirada guud ee dhimashadana ay gaartay laba milyan iyo 195,520.

Tedros Adhanom  wuxuu cusbooneysiiyay digniinta la xiriirta tallaalkan, isaga oo carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay in laga taxadaro khatarta xanuunkan faafe ee  COVID 19.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com