Booliska Ingiriiska oo shaaciyay magaca Qofki ka dambeyay xildhibaan…

London:-War ka soo baxay Booliska dalka Ingiriiska ayay ku shaaciyeen magaca wiilki Soomaaliga ahaa ee ka dambeeyay dilka xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dalkaasi.

Ninkani oo magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali – ayaa la rumeysan yahay in uusan ku jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in ninkani loo xiray tuhunka ah inuu dilay xildhibaan David Amess, uu horey uga qeyb galay barnaamij dowladda UK ay fulisay oo looga hortagayay xagjirnimada.

Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka.

Ehelada wiilka dhibka geystay ayaa lagu soo waramayaa in xabsi iyo amni dari xoogan soo wajahday iyaga oo ka baqanaya in dhibaato ka soo gaarto kooxo xagjir ah .

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com