Haiti:-Henri Christophe, wuxuu ahaan jiray nin la addoonsan jiray, isla markaa kacdoon xooggan wadey, kaasoo markii dambe loo caleemo saarey inuu boqor ka noqdo dalka Haiti.

Wuxuu qasrigiisa ku dhisay shamiinto uu ku qasay dhiigga Lo’da, wuxuu ka shaqeeyay horumarinta nolosha dadkii la addoonsan jirey ee ku noolaaa halkaas.

Boqortooyadiisa

Waxaa la oran jiray Henry 1, wuxuu qasrigiisa ka koobnaa ilaa 6 guri, 8 qasri iyo qasri kale oo la oran jiray Laferrière Citadel- kaasoo ahaa qasri caan ah qarnigii 19-aad, wuxuu ku qaatay dhismahiisa 15 sano, waxaana ka qeyb qaatey dhismahiisa 20,000 qof oo shaqaale ahaa.

Waxaa la sheegay in qasrigiisa uu ku dhisay shamiinto lagu qasay dhiigga Lo’da iyo agab kale.

Wuxuu boqortooyadiisa u sameeyay lacag u gaar ah, wuxuu caasimad ka dhigay Cape Enrique, wuxuu ku xigeenadiisa u magacaabay 85 qof, halka uu isaga isugu yeeray boqorkii awoodda badnaa iyo taliyaha ciidamada boqortooyadiisa.

Wuxuu sameeyay manhaj waxbarasho oo caan ka ahaa Latin America horraantii qarnigii 19-aad.

Wuxuu meel mariyay sharci si rasmi ah, kaasoo ka dhaqan galey guud ahaan boqortooyada.

Wuxuu soo jeediyay in si khasab ah lagu shaqaaleysiiyo dadkii lasoo addoonsadey, si ay u dabbaraan noloshooda.

Boqorkan ayaa bishii August sanadkii 1820 u dhintay xanuunka faaliga, isaga 53 jir ah xilli uu ku sugnaa qasrigiisa.

Dhammaadkii boqortooyada

Kadib dhimashadii Henri Christophe oo haatan laga joogo 201 sano, waxaa dhacay afgembiyadii ugu waaweynaa iyo isbaddalo siyaasadeed, kaasoo horseeday in si deg deg ah looggu dhawaaqo dalka maanta la yiraahdo Haiti.

Xilliggaas dalka wuxuu u kala qeybsamay koonfurta iyo waqooyiga, oo ay kala hoggaaminayeen Alexandre Pétion iyo Christophe.

Boqorkii Haiti ayaa la rumeysan yahay in sanadkii 1767 uu ku dhashay jasiiradda ku taalla Caribbean.

Boqorkan oo kolkii hore kamid ahaa dadkii horey loo addoonsan jiray, ayaa isaga oo da’ yar soo gaaray boqortooyadii Saint-Domingue, wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhanka ahaa gumeystihii Faransiiska, kaas uu ku biirey sanadkii 1791.

Wuxuu kamid ahaa saraakiishii ka qeyb qaatay kacdoonkii lagu xoreynayey Haiti, markii dambena wuxuu kamid noqday hoggaamiyeyaashii ugu awood badnaa ee Latin Amerika.

XIGASHO:BBCSOMALI.