SV oo isaga baxay wada hadalada lagu dhisay xukuumad cusub.

Oslo:-Xisbiga Sv ayaa goordhaw ku dhawaaqay in ay isaga baxeen wada hadalada u dhaxeeyay Xisbiyada kale ee AP iyo SP

Gudoomiyaha Xisbiga Audun Lysbakken oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumada cusub aysan aheyn mid xisbigooda ku haboon.

Waxaana uu sheegay in gaba ahaanba isaga baxeen wada hadaladii mudo 5 cisho ah u socanayay.

Muranka ugu weyn ee ka dhex jiray Xisbiga SV iyo Xisbiga kale ee SP iyo AP ayaa ahaa mid ka xiriirtay arimaha deegaanka iyo warshadaha shidaalka.

Xisbiyada AP iyo SP ayaa sii wadan doona wada hadalada taasi oo loo badinayo in xukuumad soo dhistaan .

Xukuumada cusub oo ay dhisi doonaan Xisbiyada AP IYO SV ayaa noqon doonta kuwo aan awood badan u laheyn go,aamada sharciga ah maadaama aysan heysan taaageerada Baarlamaanka.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com