Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo dowlada ugu qabay in ay joojiso dagaalka Balad Xaawo.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan, ayaa wuxuu ka hadlay dagaalada ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo u dhaxeeya Dowladda Somaliya & Ciidamada Jubbaland.

C/qaasim ayaa dagaaladaasi ku tilmaamay kuwa lagu daadinaayo dhiig dad walaalo ah, islamarkaana aysan habooneyn in dadkaasi dhiigooda la daadiyo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Alle ka rajeynayo inuu istaago dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Gedo, isagoo dhaqanka ugu baaqay inay ku baxaan xiisadaasi.

“Dagaalka ka socdo goballadu inta badan waa sokeeye wax kale maahan dad walaala ah oo aan kala fogeyn ayaa isdilahaya, hadane Gedo waxaan Alle uga rajeynayaa in dagaalkaasi uu ka joogsado odoyaashana in ay ka qaataan talada oo dagaalka la joojiyo oo aan dadka lagu layn.” ayuu yiri madaxweyne hore, Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray dowladda federaalka, isaga oo sheegay in laga doonayo in meelaha ay ka aloolsanyihiin dagaalada in ay ku dhameyso heshiis nabadeed.

“Dowladda waxaa looga baahan yahay in wixii dagaalamaya ay dhexdhexaadiso wixii khilaafaad ah oo jirana nabad lagu dhameeyo ayaa looga baahanyahay in ay ka shaqeyso waana hubaa in ay ka shaqeynayso”ayuu markale yiri Cabdiqaasim Salaad.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com