Faah’faahin kasoo bexeeyso dagaalo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Faah faaihno dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaalo culus oo deegaannada Raaxooy iyo Ceelka Geeloow oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Balcad ee G/Shabeellaha Dhexe ku dhex-marey Ciidamada Dowladda & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in kolonyo ka tirsan Ciidamada Burundi oo kamid ah AMISOM weerar jidgal ah ay ku qaadeen xilli ay marayeen deeganka Ceelka Gooloow oo u dhow Tuulada Qalimow ee degmada Balcad,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro kala duwan.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay xalay weerar ku qaadeen Fariisin Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Raaxooy oo ku yaalla inta u dhaxeya degmada Balcad iyo Tuulada Qalimow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in deegaanka Raaxooy uu ka dhacay dagaal socdey in ka badan Saacad kaas oo dhex-marey Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee weerarey.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca ururka Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen walow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com