Taliska Africom oo sheegay in duqayn ay ku dileen Xubno ka Tirsan Alshabaab

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa AFRICOM, ayaa sheegay in laba duqayn oo ay ka geysteen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe, ay la begsadeen khubaro Al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Maraykanka AFRICOM, ayaa lagu sshaaciyay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in duqeymahaas luga dilay Xubno muhiim ah oo Alshabaab ka Tirsan kaalin muhiim ahna ku lahaa soo saarka walxaha qarxa ee Al-Shabaab, oo ay ku jiraan kuwa lagu xiro baabuurta.
Waxaa sidoo kale qoraalkaas lagu sheegay, in qiimeynta horudhaca ah aysan muujin wax khasaare ah oo gaaray dadka shacabka.
Dhawaan ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Waxa uu amray in inta badan 700 askari ee Mareykanka ka jooga Soomaaliya laga soo saaro, kahor inta uusan xilka ka degin 20-ka Janaayo sanadka 2021.


Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com