Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo la wareegay Degaanka Gendershe

Ciidadamada xoogga dalka ayaa Alshabaab kala wareegay degaanka Gendershe, ee gobolka Shabeelaha hoose, ka dib howlgal ay ka fuliyeen Degaankaasi.
Taliyaha ciidanka lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hogaaminayay howlgalka saaka ciidanka kula wareegeen degaanka Gendershe .
Wararka ayaa sheegaya in ciidanka si nabad geliyo ah kula wareegeen degaanka, Alshabaab ayaa isaga bexeen ka hor inta aan ciidanka soo gaarin.
Degaanka Gendershe, waxaa hoos tagaa degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose , Waxana in muddo ah halkaasi maamulayay Alshabaab
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com