Cabsi laga qabto fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle

 

Iyada oo saacadihii la soo dhaafay uu Roobka Guga ka da’ayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan soo baxaya cabsida laga qabo in markale Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle iyo  kuxigeenkiisa,Saraakiil Ciidan iyo Xubno kale ayaa waxaa Xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar ay ka bilaabeen howlo jawaano loo dhigayo Wabiga jiinkiisa gaar ahaan goob laga cabsi qabo in uu ka fataho Wabiga.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa sheegay in laga soo bilaabo deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan ilaa degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku jiraan 59 Goobood oo laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo Wabiga Shabeelle.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin hay’ado u diyaarsan inay waxka qabtaan ka hortegida fatahaadaha Wabiga,hayeeshee ka Maamul ahaan,iyaga oo kaashanaya maamulada degmooyinka Hir-Shabeelle ay ka hortegi doonaan.

Wabiga Shabeelle ee mara Saddexda Gobol ee Shabeelloyinka iyo Hiiraan ayaa fatahaadii ugu weyneyd wuxuu sanadkii tegay ee 2019 ka geystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo fatahaada ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ka barakaceen.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com